Dhageyso: Gudiga Abaaraha Gobolka Gedo Oo Weli Ka Deyrinaya Abaaraha Ka Jira Gobolkaas…

0

Garbahaarey, AGGM:Gudiga Abaaraha gobalka Gedo ayaa sheegay in in ay kasii darayso xaaladda ay ku nool yihiin dad badan oo ku dhaqan deegaano ka mid ah gobalka Gedo, ayna jirto xaalad adag.

Aadan Xasan Xareed oo ka mid ah gudigaasi ayaa u sheegay Warbaahinta gudaha dalka in hadda ay kasii dartay abaarta, welina aanay helin kaalmooyin ku filan dadka ku dhaqan deegaanada sida daran u saameeysay abaarta.

Laba qof ayuu sheegay in loo soo sheegay in ay ku dhinteen deegaan fog oo Gedo ah kuwo kalena noloshooda ay halis ku jirto waa sida uu hadalka u dhigaye.

Gobalka Gedo ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee abaartu ka jirto, waxaana jira gudiyo is xilqaamay oo wada dadaalo biyo lagu gaarsiinaayo deegaanada daran.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com