Daawo Sawirada: Xildhibaan Nuur Aw-Faarax Jaamac Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada London.

0

London, AGGM:Casho si heer sare ah loo soo agaasimay ayna soo qaban qaabiyeen qurba-joogta kasoo jeedaa Gobolada Jubbooyinka iyo Galguduud ayaa lagu qabtay bartamaha magaalada London. Casha sharaftaan oo lagu maamuusayay soo dhaweynta imaatinka xubin ka mida Golaha Baarlamaanka dowladda Soomaaliya , oo asagu ka yimid Dalkii hooyo kuna marayay safar shaqo qaaradaha Europe iyo America , ayaa ay qurba-joogta reer UK ugu sameeyeen magaaladda London. Munaasabadaan oo isugu jirtay saddex qaybood oo kala ah Soo dhaweynta soo dhaweynta xildhibaan aad caan uga ah gayiga Soomaaliyeed , laguna magacaabo Nuur Aw-Faarax Jaamac , iyo baroor diiqda tacsi lagu dirayay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid dhamaan dadkii ayagu ku geeriyooday qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho 12 October , qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen labba shaqsi oo aad xurmo ugu dhex lahaa Bulshada dhexdeeda laguna magacaabi jiray Dr Cabdiyare Cabdulaahi Warsame iyo Dr Abuukar Nuur Xalane , iyo taageero loo muujinayo shirka aaya ka tashiga Gobolada Jubbooyinka , ayaa lagu qabtay Hotel Mazala oo ku yaal Bartamaha magaalada London.

Waxaa ugu horayntii halkaasi ka hadlay oo aayadaha Quraanka kasoo jeediyay Col Cumar Cabdulqaadir Sayid Warsame Cumareeto , asaga oo tacsina u diray marxuumada , kuna booriyay innay Jaalliyaddu ka qayb qaadato horumarka dalka , waxaa siddoo kale halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Jaalliyadda Gall-jubba Saacid Cali Faarax , oo asagu halkaas kusoo dhaweyay Xildhibaanada una furay marti sharaftii casho sharafeedka , waxaa asaguna halkaas hadal qiimo badan kasoo jeediyay Qaliif Ashkir oo adagu ah duqa Jaalliyadda xusayna midnimada iyo horumarka waxa ay faa’iido u lee dahay Bulshada.

Waxaa kadib hadalkii lagu soo dhaweeyay labba xildhibaan oo kamida Xildhibaanada Dowladda Federal-ka ah kuwaas oo ayagu ka mida qurba-joogta London , kuwaas oo kala ah Xildhibaan Cabdullaahi Yuusuf Xassan Alankay iyo Cabdirashiid Yuusuf Deeroow , kuwaas oo uga mahad celiyay doorka ay Jaalliyaddu ka qaadatay soo dhaweynta xildhibaanka iyo harumarka dhismaha dalka.

Waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay microphone-ka Xildhibaan Nuur Aw-Faarax Jaamac oo asagu caaway martu ugu ahaa qurba-joogta London casho sharafta.

Wuxuu xildhibaan Nuur ugu horayntiiba uga mahad celiyay sidda diiran ee gacal tooyada leh oo ay Jaalliyadda London ugu soo dhaweeyeen magaalada London xili uu safar ku marayay Dalkan Britain.

Wuxuu xildhibaan Nuur uga waramay si qodo dheer guud ahaa xaaladda Dalka , gaar ahaanna deegaanada ay Jaalliyaddu kasoo jeedo ee Galguduud iyo Jubbooyinka , asaga oo xusay qaabka iyo sidda wax hadda u socdaa shaqada taal iyo waxa laga filayo dhawaan golaha shacabka.

Wuxuu si gaara u xusay xildhibaan Nuur barnaamijka cusub ee maamul u samaynta Dalka , xaaladda Dhabta ah ee Gobolada Galguduud iyo Jubbooyinka iyo waliba shir weynaha Garbahaareey , ayada oo ay dhamaan Xildhibaanadu ku booriyeen kulana dardaarmeen in ay Jaalliyaddu dardar galiso wax qabadka gudaha si gaarana waxtar muuqda loogu fidiyo shir weynaha Garbahaareey.

Gunaanadkii shirka waxaa lagu balamay in Xildhibaanada xaflad weyn oo tan ka balaaran loogu sameeyo magaalada Leicester si wada jira reer UK , maalinta sabtida ah oo ay taariikhdu tahay 18 October.

1598909_831057003606344_8847665850512496404_o 10623575_831056960273015_1354188176960646036_o 10624801_831056916939686_6985215678264385296_n 1794792_831056866939691_8214604428279777144_n 10499463_831056850273026_7239937208181179248_o 10339199_831057420272969_2209879295981011226_o 10629316_831057373606307_5211808387311048840_o 10708705_831057333606311_3452481911325788480_o 1979213_831057296939648_6250207660552506984_o 10631300_831057250272986_771643978374143067_o 905515_831057210272990_7654933777571874757_o 10470704_831057180272993_968692104536511389_o 1836838_831057146939663_6867059111231920075_o

Waxaa soo diyaariyay ,

Ustaad Xaad.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com