War Deg Deg Ah: Maleeshiyada Al Shabaab Iyo Raaskambooni Oo Garabsanaya Ciidamada Kenya Oo Caawa Ku Dagaalamay Deegaanka Buula Gaduud.

0

Kismaayo, AGGM:Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xaunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in caawa dagaal culus in uu ka dhacay deegaanka Buula Gaduud ee gobolka Jubbada Hoose.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in uu dagaalka uu dhexmaray maleeshiyada Raaskambooni oo garabsanaya ciidamada Kenya iyo Maleeshiyada Al Shabaab.

Ilaa hadda lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan caawa ku dhexmray deegaanka Buula Gaduud Maleeshiyo ee Raaskambooni oo garabsanaya ciidamada Kenya iyo Maleeshiyada  Al Shabaab.

Dhinaca kale ilo wareed u dhuun daloola Maleeshiyada Raaskambooni oo si hoose ugu waramay Warbaahinta Allgalgaduud Media  ayaa waxa uu sheegay in dagaalkan caawa dhacay uu ahaa mid faraha looga gubtay.

Isku soo wada duubo Maleeshiyada Al Shabaab iyo Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ayaa ahaa koox isku mabda’a ah ka hor intaysan isku qabsan cida maamulaysa gobolada Jubbooyinka.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com