Top News:Dowladda Mareykanka Oo Ka Digtay Weerarro Argagixiso Oo Ka Dhaca Magaalada Addis Ababa.

0

Addis Ababa, AGGM: Safaaradda Mareykanka ee dalka Ethiopia ayaa ka digtay weerar ay suurtagal tahay in ay kooxda Al-Shabaab ku qaaddo magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkaas.

War ku soo baxay safaaradda oo muwaadiniinta Mareykanka looga digayey in ay ka fogaadaan meelaha mashquulka badan ee ay dadka isugu yimaadaan ayaa lagu sheegay in ay hayso macluumaad la xiriira weerarro argagixiso oo Al-Shabaab ay qorsheyneyso in ay ku qaaddo bar-tilmaameedyo muhiim oo Addis Ababa ku yaalla.

Safaaradda ayaa sheegtay in aan la garan karin kuwa ay bartilmaameedyadaas yihiin, balse ay muuqato halis argagixiso oo ku aaddan degmada Bole ee Addis Ababa oo ay ku yaalla garoonka diyaadaha iyo xarumo safaaradeed.

‘’Safaaraddu waxay heshay warar ku saabsan in ay Al-Shaab beegsan rabto aagga Bole’’, ayaa lagu yiri wargelin loo jeediyey muwaadiniinta Mareykanka ee Ethiopia jooga.

Qoraalka ayaa lagu xusay in maqaayadaha, hoteellada, goobaha cibaadada iyo kuwa laga dukaameysto ee ku yaalla Bole ay suurtagal tahay in la beegsado.

Ciidamada Ethiopia ayaa gudaha Soomaaliya kula dagaallamaya kooxda Al-Shabaab, iyagoo qeybka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Al-Shabaab ayaa horey ugu hanjabtay in ay weerari doonto dalalka ciidamada ugu yaboohay Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com