Top News: Marxuum Dr. Cabdirisaaq Cabdullaahi Warsame Oo Kulan Baroor Diiq Ah Loogu Sameeyay Magaalada Dhuusamarreeb.

0

Dhuusamareeb, AGGM: Kulan loogu baroordiiqay isku duwihii caafimaadka ee gobolka Galgaduud,Marxuum Dr. Cabdisaaq Cabdullaahi Warsame ayaa maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Kulanka waxaa soo qabanqaabiyey ururka dhallinyarada Dhuusamarreeb, waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin ka kala tirsan baarlammaanka Soomaaliya, maamulka gobolka Galgaduud, ciidammada iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada Dhuusamarreeb.

Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi oo ka mid ah mas’uuliyiintii ka hadashay kulanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay dilka loo geystey Marxuum Cabdirisaaq iyo dadka kale aan waxba galabsan.

Dadka ka qayb galay kulanka ayaa Marxuumka waxay Alle uga baryeen inuu u naxariisto, intii uu ka tageyna sabir ka siiyo.

Alle ha u naxariistee, Marxuum Dr. Cabdirisaaq Cabdullaahi Warsame ayaa u geeriyooday dhaawac ka gaaray qarax Axaddii tagtay ka dhacay magaalada Muqdisho.

dr abdirisaaq

Marxuum Dr. Cabdirisaaq Cabdullaahi Warsame

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com