Top News:-Kenya oo Xasan xanafi sii dayneysa

0

Sida ay ku soo waramayaan Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya Waxaa socda Qorshe Dowladda Wadankaasi ay ku dooneyso in Saraakiil Ciidankooda ka tirsan oo Al shabaab ay Maxaabiis ahaan ugu Haystaan Gudaha Wadanka Somalia ay ku soo Furtaan Iyagoo dhaafsana Ninka lagu Magacaabo Xasan Xanafi Xaaji oo loo Haysto Dilka Wariyaal Badan oo Soomaaliyeed kaas oo dhawaan lagu qabtay Nairobi.

Wada Hadal ayaa la sheegay in uu u socdo Saraakiisha Kenya iyo kuwa Al Shabaab kuwaa oo ka wada Hadlaya in Kenya ay Xasan Xanafi ku soo wareejiso Gacanta Al Shabaab si markaas Shabaab u sii daayaan Dhowr Askari oo Ciidamada Kenya ka tirsan kuwaa oo kol hore laga soo Afduubay Gobolka NFD Somalia Ee Kenya Maamusho.

Ilo lagu kalsoonaa karo oo ku sugan Nairobi oo Arimahaan si dhaw ula socda ayaa Noo Xaqiijiyay in arintaan ay jirto isla Markaana Dowladda kenya ay dhagaha ka fureysatay Dalab kaga yimid Dowladda Somalia kaa oo ahaa in lagu soo wareejiyo Xasan Xanafi Dowladda Somalia si Muqdisho loogu Maxkamadeeyo taas oo u Muuqata in aysan suura galin.

Al shabaab ayaa Dhowr Jeer oo hore sidaa oo kale waxaa ay Gudaha Dalka Kenya uga soo afduubteen Mawaadiniin Kenyan ah iyo sidoo kale Gawaari Ciidan  waxaana Hadda ka hor sidaa oo kale al shabaab sii daayeen Qaar ka mid ah Maxaabiistaas Markii ay dhaafsadeen kuwo kale oo iyaga laga hayay Dad badan ayaan qaba wal wal ah in Xasan Xanafi hadii la sii daayo ay dhibaatada wariyaasha dib u soo cusboonaato.

Xasan Xanafi Xaaji oo sarkaal Al shabaab ah ayaa waxaa xabsiga Nairobi kula jira 9 Maxbuus oo kale oo Al shabaab ah waxaana ay ku Gor Gortameen in la sii daayo si iyaguna u soo daayaan tiro sirdoonka kenya ka tirsan oo u xiran.