Dhageyso: Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Dibedda Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Heshiiska Dowladda FS Iyo Maamul Goboleedka Puntland.

0

Muqdisho, AGGM: Xilli maalin nimadii Shalay Heshiis 12 Qodob ka kooban Dowlada Federaalka iyo Maamulka Puntland ay ku gaareen Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka hor yimid Heshiiskasi Mas’uuliyiin kamid Xukuumada.

Qodob kamid Qodobadii lagu Heshiiyay oo dhigayay Maamulka loo sameenayo Gobolada Dhexe in uu ka koobnaan doono Gobolka Gal-gaduud iyo qeyb kamid Gobolka Mudug ayaa arintaasi waxaa Sharci daro Dastuurka ka hor imaaneysa ku tilmaamay Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya Mahad Maxamad Salaad oo jooga Gobalka Gal-gaduud.

Wasiir ku Xigeenka ayaa sheegay in qodob kaasi uu sidoo kale ka hor imaanayo Heshiiskii Maamul usameenta Gobolada Dhexe ee dhawaan lagu saxiixay Muqdisho.

Mahad Salaad ayaa qeexay in Maamul Gobaleed aan loo dhisi ka rin 1-Gobal iyo bar Dastuurka Kmg uu ka hor imaanayo,isagoona xusay in Maamul goboleed loo dhisi karo laba Gobal iyo wixii ka badan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com