Dhageyso: Maxaabiis Ka Baxsatay Xabsiga Magaalada Baladweyne.

0

Baladweyne, AGGM: Maxaabiis ku xirneyd Xabsiga Magaalada Baladweyne ayaa lagu soo waramayaa inay Ooda Jabsadeen kadib markii ay dadkaasi maxaabiista ahaa ay jebiyeen Darbi ka mid ah kuwa ay ku xirnaayeen.

Maxaabiista baxsatay ayaa tiro ahaan lagu sheegay 7 nin waxaana qaarkood loo heystay inay dilal ka geysteen Magaalada B/weyne Gudaheeda iyo qaar loo heystay inay Al Shabaab katirsanaayeen.

Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Cabdullaahi ayaa saxaafada u xaqiijiyey in maxaabiistaasi ay baxsadeen kadib markii uu sheegay inay darbiga duleeliyeen dhismaha Xabsiga oo ahaa mid qadiimi ahaa.

Ilaa hadda lama soo qaban maxaabiistaasi Xabsiga Magaalada B/weyne ka baxsaday iyadoo ciidanka Amaanka ay ku raad joogaan maxaabiistii fakaday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com