Dhageyso: Faahfaahinta Qarax Ka Dhacay Afarta Jardiino.

0

Muqdisho, AGGM: Gudoomiyaha Maamulka Degmada Yaaqshiid Cusmaan Maxamuud Cadaawe ayaa Xaqiijiyey qaraxii duhurnimadii ka dhacay Isgoyska Afarta Darjiino ee Magaalada Muqdisho uu ku dhintay Sargaal katirsanaa Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Yaaqshiid in Sargaalka dhintay ay la dhaawacantay Haweeney Xaaskiisa ahayd oo gaariga la saarneyd iyadoona gaariga qaraxa loogu soo xiray.

Inkastoo uu gudoomiyuhu sheegay in khasaaraha uu ku kooban yahay Sargaalkii la beegsaday hadana dadka goob joogayaasha ah waxay sheegayaan in khasaaraha Shacabka soo gaaray ay aad ubadan yihiin oo dhimasho iyo mid dhaawac ay jiraan.

 

Halkaan Hoose Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com