DHAGEYSO:- Dhibaatada ka dhalatay biyo la’aanta Hosingow

0

Xaalad biyo la’an ah ayaa ka jirta degmada Hosingow ee gobolka Jubbada Hoose waxaana taasi ay sababtay in dad badan ay kasoo hayaamaan deegaanadii ay ku noolaayeen.

Gudoomiyaha degmada Hosingow ee gobolka Jubbada Hoose Mr Dhaqane ayaa sheegay in biyo la’aanta ay sababtay iyo caruur badan shuban uu ku dhaco kadib markii kuleylo daran ay ka dhacday deegaanada Jubbooyinka.