DHAGEYSO:- Ra’iisul Wasaare C/wali oo Puntland baaq u diray

0

Garoowe, AGGM: Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya C/wali Sheikh Axmed Maxamed  oo ku sugan Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa Maamulka Puntland ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loo fidinayo Dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu ay ku hayaan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

C/wali Sheikh Axmed Maxamad ayaa sheegay in Gobolada ugu daran uu ku jiro Gobolka Gedo oo Dad iyo Duunyaba ay ku dhinteen islamarkaana Madaxda iyo Shacabka Puntland looga baahan yahay in ay Gurmadka Dadkaasi ay ka qab qaataan.

Sidoo kale  Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali ayaa sheegay in Puntland ay Aqbashay Dalabka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee ah in Puntland ay ka qeyb gasho Gargaarka loo fidinayo Dadka ku Dhibaateysan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Baaqa Ra’iisul Wasaaraha ayaa imaanaya iyadoo Gobolada Dalka qaarkood ay ka jiraan Abaaro Xoogan oo Dadka iyo Xoolahaba saameeyay.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com