War Deg Deg Ah: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Qaraxa Iyo Warbaahinta Allgalgaduud Media Oo Heshay Magacyada Qaar Kamid Ah Dadka Caanka Ah Ee Dhaawacmay….

0

Muqdisho, AGGM: Wararka naga soo gaaraya iminka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay qarax lagula eegtay Aroma Caffe oo ku yaal inta u dhexeeysa Dabka iyo Sayidka.

Warar horudhac ayaa waxa ay sheegayaan dadka ku dhaawacmay qaraxaas waxuushnimada ah ay kala yihiin…

Dr. Cabdiyare Cabdullaahi Warsame

Cabdullaahi Colaad

Abuukar Nuur Xalane

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in tirada dhimashadu tahay 10 ruux, waloow aan hay’adaha caafimaadka magaalada Muqdisho aysan xaqiijin.

Waxaa Allaah Subxaanahu Watacaalaa uga baryaynaa inuu caafimaad sariica ah siiyo walaalaha ku dhaawacmay, inta ku dhimatay qaraxan waxuushnimada ahna waxaan Allaah Subxaanahu Watacaalaa uga baryaynaa inuu Janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo. aamiin aamiin aamiin…

Fiiro Gaar Ah: Dhaawaca iyo dhimashada waa ay ka badnaan karaan intaas, waana ka yaraan karaan, waxii ksoo kordha Warkan waxaan idiinku soo gudbin doonaa wararkeena danbe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com