Sawirro:Safaaradda Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta oo Maalinta Calanka xustay.

0

Khudbada Dabaaldega Maalinta Calanka Soomaaliyeed
Mudane Cabdulqadir Sheikhey Al-Hatimi
Safiirka Soomaaliya u fadhiga dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta
12 October 2014
Abdu Dhabi

Bismalli Raxmani Raxiim,

Wasiirka Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuxulow,
Xildhibaan Yacquub Cali Maxamed, La-Taliyihii hore iyo Af-Hayeenkii hore ee Madaxweynaha Somalia, Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Iyo Dhammaan Marti Sharafta kale ee nagala soo qeybgashay kulankan muhiimka ah,

A Salaamu Caleykum Waraxmatullahi Wabarakaat,

Waxaa maanta Safaaradda Soomaaliye ee dalka Imaaraadka Carabta sharaf weyn u ah inaan xusno 60 guuradii markii ugu horreysey ee Soomaaliya ay yeelato Calan aad u qurux badan oo u eg cirka buluuga ah lehna xidig. Waxey aheyd 12kii Oktoobar 1954-tii markii uu Haji Maxamed Awale Liibaan uu soo saaray Calankeena.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuxulow oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Safiirka iyo diblomaasiyiinta Safaarada oo gartay muhiimada Maalinta Calanka isla markaana nagu casuumay xafladan quruxda badan. Wasiirka ayaa sheegay in Calanka uu yahay Astaan muhiim u ah Qaranimada Dalka loona baahanyahay in la weyneeyo.

Xildhibaan Yacquub oo isna goobta ka hadalnay ayaa u mahadceliyey Safiirka isla markaasna sheegay in maalinta Calanka ay muhiim u tahay shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka Safaarada Soomaaliya ee Dalka Imaaraadka Carabta Mudane Abdulkadir Sheikhey ayaa halkaas khudbad qiimo leh ka jeediyey oo uu yiri “Calankeenna sharafta iyo qiimaha badan leh waxuu naga mudan yahay inaan xurmeyno, weyneyno, isla markaasna aan carruurteena uga sheekeyno taariikhdii macaaneyd ee dalku soo maray oo astaanta Calanka ay tahay waxa ugu muhiimsan oo uu EEBBE nagu maneystay. Waxaana Sharaf weyn noo ah in Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuxulow uu nala joogo Abu-Dhabi, caasimada dalka Isku-Tagga Imaaraadka Carabta.

26kii Juun 1960kii aqoonsigii Soomaaliya ayey aheyd markii ugu horreysey oo si rasmi ah Calankeenna loo maamuuso. Waa kii Cabdullaahi Suldan Timacadde uu qaaday heestii miraheeda ay ka mid ahaayeen Sareeyoo Ma Nusqaamoow aan siduu yahay eego ee kaana Siib kanna Saar….

Sidoo kale Abwaan Cali Diiriye (Cali Gaab) ayaa isagana markii 1da Luulyo 1960kii Calanka la saarayey qaaday hees aad u qiiro badneyd oo aheyd “Calanyahow ha dhicin, Ha dheeliyin, Waligaa Dhisnow….

Maanta waxaan xafladan ugu sameynay safaarada Soomaalida ee dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta waxey tahay inaan weyneyno calankeena isla markaana Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkan, shaqaalaha safaaradda iyo Soomalida meel walba ay joogaan la qeybsan xafladan, la faraxno oo aan wada weyneyno calankeena cisiga iyo karaamada EEBBE ku maneystay. Calanku waxuu ka mid yahay astaamaha qiimiga mudan ee naga wada dhaxeeya isla markaasna uu caalamku nagu aqoonsado.

Calankeenna waxuu lahaan jirey sharaft weyn oo qofka Soomaaliga ah 70 naadkii iyo 80maadkiiba waxaa meel kasta oo aan tagno nalagu soo dhoweyn jirey si cisi leh oo sharaf badan. Maanta waa inaan sharafkaas iyo karaamadaas soo ceshanaa. Tan kaliya oo aan ku soo ceshan karnana waxey tahay inaan midowno, isku duubnaano, is caawino, isla markaasna u wada istaagno wadajirkeena. Soomaaliya waa dal qani ah oo goob istraatejiyad ah ku yaalla, oo haddii aan nabad helno, u istaagno danaheenna waxaan hubaa inaan noqon karno dal caalamku u soo dalxiis tago oo weliba door hoggaamineed ka qaata Qaarada Afrika iyo Caalamkaba.”

Safiirka ayaa soo gabogabeeyey barnaamijka oo yiri “Sidaas daraadeed, fadlan nala wada ciida oo farxadan aan wada gaarsiino Soomaalida meel walba oo ay joogaan. Wadajirkeena iyo ilaalinta midnimadeena ayaan ku gaari karnaa horumar iyo barwaaqo.”

saf saf1 saf2 saf3

Wa billaahi Towfiiq.

Mahadsanidiin,

H.E. Abdulkadir Sheikhey Al-Hatimi 
Safiirka Soomaaliya u fadhiga dalka Isku taga Imaaraadka Carabta

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com