War Deg Deg Ah:DAD badan oo la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxa Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho, AGGM: Ugu yaraan 10-qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo goor-dhow ka dhacay dhismaha ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay illinka hore dhismaha oo ay ku yaallaan baar laga qaxweeyo oo lagu magacaabo Orama Cafe, halkaasoo ay dad badan ku qax-weynayeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dad badan oo baarka fadhiyay iyo kuwo kale oo goobta marayay ay waxyeello xooggan kasoo gaartay, iyadoo aan weli la ogeyn dadka ku dhintay tiradooda, iyadoo wararka hodhaca ah ay sheegeen inay ku dhinteen 10-qof.

Wixii ka soo kordha warkan la soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com