Buuq ka dhashay booqashada Xasan Sheekh ee Baraawe (Muxuu yahay?)

0

Sida ay xogtu nagu soo gaareyso waxaa buuq ka dhashay socdaalka uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu ku gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Xogtu ayaa tibaaxeysa in buuqa uu dhashay kadib markii Maleeshiyada Alshabaab ay Hoobiyayaal ku weerareen Diyaaradii uu la socday Madaxweyne Xassan taasi oo dhalisay in Saraakiisha AMISOM ay ka shakiyaan gacan yarayaasha iyo kuwa Ammaanka Madaxweynaha gacanta ku haayay, waxaana la Tilmaamayaa in qaarkood lagu amray inay hawada ka saaran Teleefoonada gacanka ah oo ay wateen.

Mas’uuliyiinta qaar oo xaalad amni daro awgeed loo amray inay damiyaan Teleefanadooda ayaa ka dhaga adeegay, waxaana halkaasi ka dhashay buuq salka ku haayay shaki laga qabay Mas’uuliyiinta Xassan sheekh la socday.

Sidoo kale, goortii uu Madaxweyne Xassan ka degay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa waxaa si toos ah Ammaankiisa ula wareegay Saraakiisha AMISOM oo iyagu lagu amray inay xaqiijiyaan Ammaanka Xassan, maadaama ay Maleeshiyada Alshabaab ku sugneyd Degmooyin jaar la ahaa Baraawe.

Dhanka kale, waxaa la rumeysan yahay in inta badan uu buuq ka dhasho safarada Madaxweyne Xassan, iyadoona ay xusid mudan tahay in dhalinyarada qaabilsan Ammaanka Xassan ee isaga la socdo lagu wado qaab qabiil xiliyada uu safarka yahay Madaxweynaha.