Al-Shabaab iyo Raaskambooni oo QM ay si isku mid ah 1 arrin ugu eedeysay

0

Baarayaasha QM ayaa soo saaray warbixin cusub oo ku aadan dhoofinta sharci darrada ah ee dhuxasha Soomaaliya oo ay tilmaamen in kooxda Al-shabaab ay ka faa’iiday malaayiin doolarka Mareykanka ah intii lagu guda jiray sanadii lasoo dhaafay.

Kooxda UN Monitoring Group ayaa sheegtay in ay xisaabiyeen 161 doon oo dhuxusha ka qaaday dekadaha magaaloyinka Kismaayo iyo Baraawe oo iyagu dhaca Koonfurta intii u dhaxeeysay June 2013 iyo bishii May ee sanadkan 2014-ka.

Warbixintaan cusub oo ka kooban 482 bog oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxaa lagu sheegay in wadarta qiimaha dhuxasha laga dhoofiyey Soomaaliya sanadaha 2013 iyo 2014-ka ay gaarayaan in kabadan 250 milion oo dollar ah.

UN Monitoring Group ayaa sheegtay in inta badan dhuxushaasi loo dhoofiyey wadamada Imaaradka Carabta, Cumaan iyo Kuwait.

Kooxda ayaa sheegtay in billowgii bishii January in shixnado badan oo dhuxul ah laga dhoofiyey magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay maamulayaan Maleshiyaadka Raaskambooni iyo ciidamada Kenya.

Ciidamada kenya ayaa iska fogeeyey in ay wax ka ogyihiin dhuxul sharci darro ah oo laga dhoofiyey magaalada Kismaayo. Kooxda Axmed Madoobe weli ma aysan jawaabin.