War Deg Deg Ah: Falaagada Al Shabaab Oo La Wareegtay Gacan Ku Haynta Deegaanka YOONTOOY Iyo Buulo Gaduud Oo Dagaal Ka Socdo Go’adoona Ah.

0

Kismaayo, AGGM:Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in deegaanka Yoontooy ay iminka la wareegeen maleeshiyaad ka tirsan falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Maleeshiyaadka Falaagada Al Shabaab ay weerar caawa fiidki kusoo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Raaskambooni oo fariisin ku lahaa deegaankaas, islamarkaana ay cagta mariyeen dhamaan maleeshiyadi halkaas ku sugneed..

Deegaanka  Yoontooy ayaa waxa ay u dhaxeysaa Buulo Gaduud Iyo Goobweeyn, Sidoo kale warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in deegaanka Yoontay ay hadda ku sugan yihiin maleeshiyaad ka amar qaata Falaagada Al Shabaab.

Warar horudhac ah oo aan ka heleeyno dadka dagan deegaanka Yoontooy oo aan xiriir la sameenay ayaa waxa ay sheegayaan inay arkeen 5 gaadiid ah oo ay lahaayeen maleeshiyada Raaskambooni oo gubanaya, balse ay xaqiijin karin iminka geerida iyo dhaawaca labada dhinac soo kala gaaray maadaama xili habeen ah lagu jiro ayna ka bixi karin guryahooda.

Dhinaca kale deegaanka Buulo Gaduud ayaa sidoo kale dadka deegaanka dagan ay sheegayaan inuu dagaal iminka ka socdo waloow aan la xaqiijin karin halka uu marayo dagaalkaas ama cida ku gacan sareysa.

Isku soo wada duuboo maalmo ka hor ayay ahayd markii ay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya iyo Maleeshiyaad ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni markii ay gaareen deegaanka Buulo Gaduud oo 28-30 km u jirta magaalada Kismaayo, waxaana durba soo shaac baxaya in jab baaxad weyn uu soo gaaray dagaaladan Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media…
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com