MD Xasan Sheikh oo Ku Soo Noqday Muqdisho Kadib Markii..

0

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta tagay magaalada Baraawe ayaa la hadlay dadka halkaasi ku nool.

Magaalada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa dhawaan laga qabsaday kooxda Al-shabaab.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, ayaan horey loo sii shaacin. wuxuuna la hadlay dadka reer Baraawe oo uu ka codsaday inay dowladda la shaqeeyaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in weli dagaal yahaniinta Al-shabaab ay u furan tahay wadadii ay isugu dhiibi lahaayeen dowladda oo la cafinayo.

Dadka ayuu ka codsaday inay laamaha amniga la shaqeeyaa si xaaladda nabad gelyo ee Baraawe loo sugo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa tilmaamay in dekedda Barawe aan mardambe laga dhoofin doonin dhuxusha.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in dhexesha hadda taalla Baraawe laga isticmaali doono gudaha magaalada.

Baraawe oo ka mid ahayd goobaha kooxda Al-shabaab ilaha dhaqaalaha u ah ayaa sabtidii la soo dhaafay ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay gudaha u galeen iyadoo dagaal uusan ka dhicin.

Madaxweynaha ayaa shalay tagay magaalada Cadale oo ka mid ah goobihii ugu dambeeyay ee Kooxda ay waysay oo laga saaray.

Dhowaanahan, ciidamada dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa AMISOM ayaa waday howlgal ka dhan ah Al-shabaab, howlgallada ayaana sii ballaarteen markii la dilay hogaamiyihii kooxda Axmed Cabdi Godane