Maxaa Maanta ka dhacaya magaalada Garoowe?

0

Amaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay waxii ka dambeeyay markii shalay uu gaaray magaaladaasi ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Welli Sheikh Axmed.

Waxaa la qorsheynayaa maanta inuu ka furmo magaaladaasi shir ay wada yeelanayaan ra’iisul wasaare Cabdi Welli iyo Cabdi Welli Maxamed Cali Gaas madaxweynaha maamulka Puntland.

Waxaa la filayaa in shirkaasi looga hadlo khilaafka u dhaxeeyo maamulka Puntland iyo ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya oo matalaya dowlada Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa marar badan xiriirka u jaray dowlada Soomaaliya, iyadoo ay jireen hishiisyo dhowr ah oo ay kala gaareen dhinacyada maamulka Puntland iyo Dowlada Soomaaliya.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.