Dowladda Somalia oo Lagu Eedeeyay in Hubkii Ciidamada Dowladda Lagu Iibiyo Suuqyada Muqdisho”Warbixin Cusub”

0

Warbixin ay soo saareen kooxda   Kormeerka Somalia-Eritrea, uqaabilsan QM,oo ka kooban 8 xubnood ayaa waxaa ay shegeen in Hubka ciidamo Soomaaliya iyo rasaastooda lagu leexiyon suuqyo furan halkaasoo lagu kala iibsado.

Gudiga warbixintaan soo saray ee Monitoing Group ayaa sheegay in dowlada somaliya ay horay ubalanqaaday in laga hortagayo in hubka uusan gacmaha ugalin kooxaha Islaamiyiinta ee somalida iyo Qabaa’ilaaka kale intaba.

Warbixinta sannadlaha ah,ayaa kakooban 482-bog waxdaana heshay Wakaalada Wararka ee Reuters galankii danbe ee shalay oo jimco aheed .

15 Xubneed ee golaha Amaanka QM,ayaa dowlada somaliya ka qaiifiyay xayiraadda hubka ee Somalia bishii March 2013 taasoo muran xoogan uu ka yimid , inkastoo xukuumadda Washington taageertay racfaanka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xayiraad taasoo mareykanka uu u arkay in ay tahay mid hubeeynesa ciidamada ammaanka si ay ula dagaalamaan al Shabaab.

Warbixinta cusub ayaa sidoo kale shegeysa In tiro ka mid ah qoryaha ay bixiyaan Ethiopia ee ku keydsanaa xaruunta Hallane ay idlaadeen sidii loogu iibinayay wadooyinka caasimadda somaliya.

Warbixinta Monitoring Group sidoo kale in qoryo noocooda ah “56-2 in lagu arkay laba suuqyada oo kuyaala Muqdisho intii udhexeeysay February iyo April 2014.

Golaha Ammaanka ayaa soo rogay xayiraad ee Soomaaliya ee 1992 si ay uyaraato qulqulka hubka ee somaliya,

Dhanka kale Waxaa jira ciidanka nabad ilaalinta Midowga Africa oo tiradooda ay gaarayaan 17,600-kuwaasoo gacan siinaya ciidanka dowlad somliya si ay udaldagaalamaan shabaab.