Deg Deg:- Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo Gaaray Degmada Baraawe Ee G/Sh/Hoose

0

Sida ay ku soo waramayaan Wararka Hadda laga Helayo Magaalada Baraawe Ee Gobolkaasi Shabelaha Hoose waxaa baraawe Gaaray Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah Ee Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud kaa oo Saacad ka hor ka baxay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaana Aad loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo Wafdigiisa Mgaalaada .

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho  ka qaaday Diyaarad qaas ah waxaana socdaalkiisa ku wehliya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Soomaaliya iyo sidoo kale Saraakiil Ciidan.

Amaanka Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose ayaa si aad ah loo adkeeyay iyadoo gudaha iyo Duleedka Magaalada la dhigay Ciidamo Fara badan oo amaanka sugaya kuwaa  oo isugu jira kuwa AMISOM iyo Milatariga Somalia.

Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha Hoose Cabdul qaadir Maxamed Nuur Siidii oo aan Goor dhaw Taleefanka kula Hadalnay ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ay Magaalada soo gaareen si weyna loogu soo dhaweeyay Waxaana Gudoomiyuhu uu intaa ku Daray in aad looga Taxadaray in al shabaab Falal Amaan daro ka geestaan Baraawe.

Madaxweynaha ayaa  waxaa uu shalay booqasho ku tagay si la mid ah Degmada Baraawe, Degmada Cadalle ee Sh/dhexe halkaasi oo dhawaan laga qabsaday Al Shabaab Waxaana uu u Muuqdaa Madaxweynuhu in uu Dhiiri galinayo Ciidamada iyo sidoo kale shacabka Al shabaab laga korqaaday.