“DAAWO” Mid kamid ah Dalalka ugu waaweyn Qaarada Yurub oo Cudurka EBOLA laga Helay Eeyaha iyo Walaac Kataagan Arrinkaasi…

0

Nin cudurka Ebola qarsan jiray ayaa waxa uu cudurkaan qaadsiiyay Eeygiisa kaas oo buuq xoogan ka abuuray gudaha dalka Spain. Dhaqaatiirta dalka Spain ayaa amray in dadka si xoog ah looga soo aruuriyo Eeygii lagu arko Qandho iyo jiif fara badan si looga baaro Cudurka dilaaga ah ee Ebola oo wadamo badan ku faafay.

Cudurka Ebola oo haatan tirada uu dilay kor usii dhaafaysa 4000 oo qof ayaa caalamka walaac xoogan ka mujiyeen iyadoo ay jirto dalal fara badan oo qaarada Yurub ku yaalla kuwa oo haatan bilaabay baaritaano la dhigay xuduudaha .

 

Dalalka katirsan Qaarada Yurub ee ilaa haatan laga helay kiiska Cudurka Ebola ayaa lagu sheegay Norway England Spain iyo Mecedonia inkasto ay jiri karaan dalal kale oo aan weli shaacinin.