Baabuurka TARSAN oo qarax lala helay

0

Maqribnimaddii xalay, ayaa waxaa qarax lala beegsaday gaari uu lahaa Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, kaasi oo taagnaa meel ku dhow Masjidka Marwaas ee Degmadda Xamar-weyne ee magaalladda Muqdisho.

Guddoomiyaha Degmadda Xamar-weyne, C/qaadir Maxamed C/qaadir oo la hadlay idaacadda Dalsan ee Muqdisho, ayaa xaqiijiyey inaysan cidna wax ku noqonin qaraxaasi, wuxuuna xusay inay Hay’addaha Ammaanka bilaabeen baaritaanno.

Waxa uu falkaasi ku tilmaamay mid lagu doonayey in lagu khalkhal geliyo dadka, laguna carqaladeeyo nabadda ka jirta guud ahaan magaalladda Muqdisho, gaar ahaan Degmadda Xamar.

Qaraxaasi ayaa dhacay wax yar kadib, markii uu Dareewalka ka degay Gaariga oo uu ku barkin gareeyey meel ku dhow Masjidka Marwaas.

Qaraxan ayaa imaanayo dhowr maalmood kadib, markii uu Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ugu baaqay Dhallinyarradda ka tirsan Alshabaab inay ku soo biiraan shacabkooda.

Tarzan oo dhawaan ka soo laabtay caasimadda dalka Britain ee London oo uu deggan yahay ayaa Suxufiyiinta u sheegay maalintii Ciidda Farriin uu dhallinyarradda ugu baaqay inay ka shaqeeyaan Nabadda iyo Horumarka.