Alshabaab oo afduub ka geysatay dalka Kenya.

0

Kooxo looga shakiyay Alshabaab ayaa maalintii shalay ayaa la baxsaday gaadiid ay kasoo afduubteen xuduuda ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan deegaanka Lamu.

Kooxaha hubeysan ayaa lasheegayaa inay afduubteen shan ruux oo ku sugnaa deegaan ku yaala xuduuda labada dal, waxaana ay ku sugnaayeen deegaanka Kiunga.

Dadka la afduubtay waxay la socdeen labo gaadiid oo kusii jeeday dhanka Lamu, kaasi oo ay afduubeen kooxaha hubeysan.

Waxaa sidoo kale laga baqayaa in dadkale la afduubtay xilli dooni ay la socdeen, waxaana loo malaynayaa in dadkaasi afduub ahaan loo malaynayaa in lala soo aaday Soomaaliya.

Dadkaasi ayaa waday qaad, waxaana markii dambe la helay kiishash qaad ah oo ka dhacay gaadiidka xiliga uu weerarka dhacay.

“Ilaa iyo hadda ma ogin halka saaxiibadeen lala aaday, waxay horay u kaxeysteen labo gaadiid oo qaadka siday, waxayna ula aadeen Soomaaliya”sidaasi waxaa yiri Liibaan oo kamid ah dadka goobjoogayaasha ahaa.

Weerarkaan ayaa noqonaya weerarkii labaad oo isla deegaanka ka dhacay, bishii agoosto wade gaari oo Kenyan ah ayaa lagu qoorgooyay goobta, labo gaadiidna waa la afduubtay, ilaa iyo haddana dadkii lama hayo.