12ka Oktoobar Maalinta Calanka Soomaaliyeed W/Q Bashiir “Goobe”

0

Mahad iyo ammaan waxay u sugnaatay Eebeha weyn ee ayaamahan isu dhow dhow inagu manneystay nimcooyin iyo gallado badan oo aan la soo koobi Karin, hase yeeshee aan qalinka u qaatay, inaan ka xuso kuwo aad u kooban, sida: Soo gudashadii acmaashii Xajka, inta Allah uu u sahlay, damaashaadyadii Ciidda Carafa (Ciidul-Adhxa), oo aan soo gunaanadkeedii ku jirno iyo furashadii ay Ciidamadeenna geesiyaasha ah, cadowgii nabad – diidka ahaa ugala wareegeen deegaanno badan oo ay ummadda ku nool ay si xorriyad iyo cabsi la’aan ah, acmaashooda diiga iyo tooda aaddunyaba maanta u gudanayaan.

Maalmahaas, xusidda, xushmadda iyo farxadda ku midabeysan, waxa Eebbahu qaddaray, inay ka deris yeeshaan maalin kale oo dalka iyo dadka Soomaliyeed, ugu asteysan mid farxadeed, dhinaca kalana u noqon karta maalin baraarujineed, wax is weydiin iyo dib u milicsi.

askar-calan

Waa 12 Oktoobar, maalintii calanka buluugga ah ee xiddigta cad ee shan geeska ah, caalamka uu ku soo biiray. Waxay aheyd 12kii Oktoobar 1954-kii, markuu uu halyey Haji Mohamed Awale Liban, uu ku aflaxay hindisaha calankeenna cirka u eg. Alla ha u naxariistee, Haaji Mohamed Awale Liban, wuxuu xorriyaddii kaddib noqday Agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliya-dii cusbeyd.

12-kii Oktober, 1954, waxa ay ku buuxsameysaa 12ka Oktoober 2014, 60 sano oo dabka ka cad, haddaba, waxaa soo maray calankaas 60 jirsaday, maalmo iyo marxalado kala wuwan oo huwan farxad iyo murugo , ciil iyo calaalyow, barwaaqo iyo busaarad, colaad iyo nabad iwm.

Cir ka babbashadiisii ugu hooreysay asagoo xor ah, 26-kii Juun, 1960-kii, waa kuu ku gardaadiyey abwaankii Soomaaliyeed ee weynaa Abdullaahi Suldan Tiamacaddea nusqaamoow, aan siduu yahay eego e kaana siib kanna saar.

Abwaan, Cali Diiriye ”Cali Gaab”, ayaa asaguna ku marxabbeysiiyey calankeenna, 1dii July, 1960-kii, heestan qiirada leh:

Calanyahow ha dhicin, Ha dheeliyin, Waligaa dhisnow!

Maanta waa dharaartay, Dhibaatadu na daysee, Dhulku noo iftiimee; Maanta waa dharaartii, Dhagaxtuur agtiisa, Dhiiggii qulqulay ay, Ka dambeeysey dhibicduye, Maanta waa dharaartaan, Gobannimada dhalinnee, Calankeenna dhidibnee.

Calanyahow ha dhicin, Ha dheeliyin, Waligaa dhisnow!

calan-12-Oct

calan 12 OctBurburkii iyo qaran jabkii, dagaalladii sokeeye iyo waxyaabihii ka dhashay, sida qabqablalaashii dagaalka iyo ugu dambeyntii soo ifbixii kooxaha nabad diidka ee hadda gabalkoodu sii dhacayo, waxa ay abwaannada u soo joogay ka curiyeen murti iyo suugaan ay xilligooda ku cabbirayaan, sida “BULUGLEY” ayaankeedu noqday iyo darxumada u dambeysay.

Abwaan Somaaliyeed: Cali Sugulle”, ayaa xilli sii horreysay oo aysan dhibaatadan dambe taagneyn, haseyeeshee,saluugsan odoroskiisa in si wax inaga yihiin, wuxuu calanka ugu goodiyey, sidan, asagoo hal abuurkiisa ku soo qaatay erayadan, qalbiga taabanaya:

“Wallee ama calan jira oo caan ah baad ahaan oo lagu c…………, ama calal maryo la cayn ah baad ahaan oo ciirsi waydayeey, cirkoo aan caad lahaynoow alle la cuskayeey………………”!

Haddaba, 60 sano kaddib, oo la asteeyey “Bulugleey” iyo 54 sano oo uu xorriyad ama wax aan xornimana aheyn, gumeysi lala bareereyna aheyn uu caalamka ka dhex muuqday iyo tixda niyad jabka iyo rajaduba a muuqdaan ee abwaan Cali Sugulle, ee muddadaas durugsan, maxaa inala gudboon dadkeenna taariikhdaan ama xilligaan la falgalaya? Ma calan jira ayaan dhidibnaa, mise calal ayaan ku hoos calaacalnaa?

Caqliga suubban, dadnimada iyo qaranimaduba, waxay ina farayaan, inaan calan jira hoostiisa ku caana maalno! Sidaan ugu soo xusay sadarada sare, Ciidamadeenna qaran, waxay hadda ku jiraan dib u xoreyn iyo inay calan jira dusheenna taagaan, ayagoo Eebbaha awoodda badanu, solonsiiyey guulo isdaba joog ah, una suurto galiyey, inay goobihii ugu dambeeyey ee cadowga aan naxariista islaanimo iyo tan aadaninimada toona laheyn uu ka xarrimay “BULUGLEY”, ay maanta ka taageen muddo dheer kaddib.

Ummadda Soomaaliyeed, waxay xaq u leedahay, inay aayaheeda si karaama leh oo cabsi la’aan ah uga tashato, caalamkana wax ula qeybsato, ciiddeeda iyo calankeedana ilaalsato. Si taas loo xaqiijiyana, waxay dalbeysaa, midnimo, isku duubni, is cafis, iskaashi iyo isu tanaasul.

Aan ku soo ebyo, qoraalkeygan kooban, heesta calankeenna:

“Qolabaa calankeedu waa ceynoo,

Innaga keennu waa cirkoo kale ee,

Oon caadna laheyn,

Oon ee caashaqa ee!
W/Q: Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac “Goobe”
Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka.