Top News: Shir Looga Hadllayo Shidaalka Soomaaliya Oo Ka Furmaya Magaalada London Ee Dalka UK..

0

London, AGGM:Kulan looga hadllayo shidaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in 20-ka bishan Oktoobar lagu qabto magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Shirka oo noqonaya kii labaad waxaa soo qaban-qaabisay hay’adda CWC, iyadoo dhinacyada ka qeyb-gallaya ay ka doodi doonaan ajandayaal la xariira shidaalka shidaalka Soomaaliya ku jira.

Madaxa fulinta ee shirkadda Soma Oil and Gas, Mr. Robert Sheppard ayaa sheegay in ujeeddadoodu ay tahay sidii xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen horimarinta iyo soo saaridda shidaalka.

Wasiirka wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya Daa’uud Max’ed Cumar oo shirkaan ka qeyb galaya ayaa warbaahinta Britain kasoo xigatay inuu sheegay inay ergada shirkaan ka qeyb galaysa ay horgeyn doonaan qodobada dawlada Soomaaliya u aragto in Soomaaliya shidaal ku heli karto.

Waa shirkii labaad oo looga hadlayo arrimaha shidaalka Soomaaliya oo Ingiriiska lagu qabto waxaana shirarkaan qeyb ka yihiinb dadaalo ay wadaan qaar ka mid ah wadamada reer galbeedka oo ay ku doonayaan in wadamo ku yaaa geeska Africa ay shidaal kaga soo saaraan.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka baaqatay shir horraantii bishii June ee sanadkan ay qaban qaabisay shirkadda Soma Oil and Gas, kaasoo looga hadlayay shidaalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com