Top News: Nimco Rabbi Oo Dad Iyo Duunyaba Ku Diirsadeen Oo Ku Hoortay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gedo.

0

Garbahaarey, AGGM: Roobabkii Gu’ga ayaa lagu soo waramayaa inay ka curteen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo oo abaaro ay ka jireen,

Nabadoon Maxamuud Sheikh Cali oo ka mid ah Odayaasha Gobolka Gedo ayaa sheegay in shalay gelinkii dambe ilaa xalay ay roobab ka bilowdeen deegaano hoosymaada dagmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo halkaasi oo dhawaanahamba ay abaaro ka jireen,

Waxa uu intaasi raaciyay inay jiraan dad badan oo ay saameyn ku yeesheen abaaraha ka jira Gobolka gedo oo uu sheegay inay ku diirsadeen roobabkan ka da’ay tuulooyinka hoosyimaada Dagmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Deegaano dhowr ah oo kamid ah gobollada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyey laga soo sheegay inuu ka curtay roobka guga, gobolladaasi oo ay horaan ugu dhufatay abaar ba’an oo galaafatay nolosha dad iyo duunyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com