XOG: Danjire Nicholas Kay Oo Horjooge Axmed Madoobe Ku Wargaliyay In Shirka Dib U Heshiisiinta Beelaha Daga Jubbooyinka Uu Dhacayo 21 Oktoobar…

0

Kismaayo, AGGM: Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in kulanki maanta dhexmaray ku dhexmaray garoonka diyaaradaha magalada Kismaayo Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Nicholas Kay iyo Horjooge Axmed Madoobe uu ku wargaliyay in Shirka Dib U Heshiisiinta Beelaha Daga Jubbooyinka uu dhacayo amaba furmayo 21 Bishan Oktoobar.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Danjire Nicholas Kay uu ku wargaliyay Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe in Shirka Dib U Heshiisiinta Beelaha Daga Jubbooyinka uu dhacayo amaba furmayo 21 Bishan Oktoobar, waxii hore ee kasocday magaalada Kismaayo-na aysan ahayn shir loo dhan yahay amaba ay kawada qayb galeen dhamaan garabyada isku haya awooda Jubbooyinka.

Danjire Nicholas Kay ayaa sidoo kale waxa uu ku wargaliyay Horjooge Axmed Madoobe in uu fuliyo dhamaan qodabadi kasoo baxay Heshiiski Addis Ababa iyo dhamaan heshiisyadi ka dambeeyay.

Dhinaca kale Danjire Nicholas Kay ayaa waxa uu horjoogaha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni amar ku siiyay inaysan Maleeshiyo beeleedka uu hogaamiyo ee Raaskambooni aysan dhaafi karin deegaanka Buulo Gaduud, wax duulaan ah oo halkaa dhaafsiisan aysan qaadi karin.

Isku soo wada duuboo Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Mdoobe ayaa waxaad moodaa in dhamaan Riyadiisi beenta ahayd ay usocon wayday, iminkana hal wado oo qura inay u furan tahay taas oo ah in Shirweyne Dib U Heshiisiineed oo dhab ah hada iyo koow loo qabto dadka daga Jubbooyinka, islamarkaana inuu dhaqangaliyo dhamaan qodobadi kasoo baxay heshiisyadi uu horey u saxiixay.

FIIRO GAAR AH: Doraad 07-10-2014  ayay ahayd marki Warbaahinta AGGM ay soo daabacday in ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya in amar kasoo gaaray taliska sare ee ciidamada AMISOM loogu sheegay inaysan dhaafi karin deegaanka Buula Gaduud ayna aqbaleen amarkaas, halka uu Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe uu ka biyo diiday . Halkan Guji Kana Akhriso Qoraalkas…

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com