Gudiga gurmadka abaaraha Gedo oo kamahad celiyey deeq lacageed oo soo gaartay

0

Garbahaarey, AGGM: Gudiga gurmadka abaaraha gobolka Gedo ayaa ka mahad celiyey deeq lacageed oo kasoo gaartay jaaliyada Soomaaliyeed Brisbane ee dalka Australia.

Gudoomiyaha gudiga gurmadka abaaraha gobolka Gedo C/laahi Sheakh Axmed Maxamed oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in deeq lacageed oo dhan Sagaal kun todobo boqol iyo konton doolar ($9750) oo kaga timid jaaliyada ay kaga mahad celinayaan, waxaana uu intaasi ku daray in deeqdaasi ay wax badan ka qaban doonto baahida dad badan oo ku dhibaateysan deegaanada gobolka Gedo.

Gudoomiyaha ayaa dadka Soomaaliyeed ee deeqdaasi soo diray ilaah uga baryey in uu siiyo badal qeyr qaba waxaana uu xusay in lacagahooda ay ku bixiyeen meel mudan oo ajir badan ay kahelayaan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com