FAAH FAAHIN:- Dagaalkii ka dhacay Kismaayo (Horjooge Axmed Madoobe & Hoosjooge Fartaag)

0

Kismaayo, AGGM: Wararka naga soo gaaraya Kismaayo ayaa sheegaya in laga cabsi qabo inuu dagaal culus isku beddelo iska horimaad dhex maray ilaalada Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe iyo Hoosjoogihiisaha Fartaag.

Wararku waxa ay sheegayaan in labada maleeshiyo ay ku dagaalameen aqalka, waxaana la tilmaamayaa in Dagaalka uu ka danbeeyay kadib markii maleeshiyada horjooge  Axmed Madoobe ay si kam ah rasaas ugu fureen kuwa maleeshiyada ilaalada u ah Fartaag.

Warar hoose ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka dhex jiro Horjoogaha maleeshiyada Axmed Madoobe iyo  Hoosjooge Fartaag, waxa ayna taasi sababtay in Ammaanka labada nin uu saameyn ku yeesho.

Sidoo kale, Xiliga Rasaasta ay dhaceesay ayaa labada nin  iyo Xubna kale waxaa lasheegay inuu kulan uga socday xafiiska Horjooge Axmad Madoobe, iyadoo intaa kadibna ay isku hareereyeen Xafiiska Axmad Madoobe maleeshiyada Ilaaliya.

Arrintaani ayaa waxa ay bar-bar soctaa dil bareer cad oo muddo Seddex bil ka hor loo geystay Taliyihi maleeshiyada  ilaalada u ahaa Hoosjooge Fartaag, waxa ayna xiligaani u muuqaneysaa in mar kale uu soo laabanaayo Khilaafaatka labada Mas’uul iyo Ciidamadooda.

Isku soo wada duuboo Dagaalkii shalay ayaan khasaare dhalin, hase yeeshee waxa uu sababat kala shaki xooggan oo labada maleeshiyo iminka ka dhex jira, waxaana laga cabsi qabaa inay mar kale isku dhacaan.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com