Xog: Hogaamiyaha cusub ee Al-Shabab oo durbadiiba laga shakiyay, Sabab?

0

Ilo-wareed ka tirsan Kooxda Alshabaab, ayaa laga soo xigtay in horjoogayaasha Alshabaab ay xiligaani ka shakisan yihiin Hoggaamiyaha Cusub ee Alshabaab Axmed Diiriye.

Horjoogayaasha ayaa aaminsan in Hoggaamiyaha Cusub uu ku fashilmay Xiriirka kooxda iyo Dagaalada ay kooxdu kula jirto ciidamada DF iyo AMISOM, xilli goobo badan oo ay Baraawe ku jirto laga saaray..

Tuhunada Axmed Diiriye laga qabo, ayaa waxaa ka mid ah inuu xiriir la lee yahay wax ay Shabaabka ugu yeeraan cadowga, taasi oo ay Horjoogayaasha ku micneeyen in Diiriye uu halis ku yahay jiritaanka Kooxda, waxa ayna aaminsan yihiin in arinkaasi uu yahay fashilka kaliya ee sababay in Alshabaab laga saaro meel waliba oo ay cagta dhigaan.

Si kastaba, xaqiiqda ayaa ah in ka hor inta aan la magacaabin Axmed Diiriye ay Shabaab luminayeen gacan ku haynta goobo badan, waxaase ay tani astaan u tahay heerka uu gaaray jabka Al-Shabaab.

Axmed Diiriye iyo Horjoogayaasha Alshabaab ayaa waxaa xiligaani xun xiriirka ka dhaxeeyo, waxaana laga cabsi qabaa in shakiga ka dhex jira uu dhaliyo kala fogaansho soo kala dhex gasha Kooxda iyo isku dhac.

Axmed Diiriye ayaa la magacaabay kadib markii ay Mareykanka dileen Axmed Godane.