Top News:Nimco Rabbi Oo Shalay Ku Hoortay Degmada Balanballe..

0

Balanballe, AGGM: Roob ayaa Talaadadii shalay ka da’ay deegaanka Ballanbal ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha Ballanbal, Hareeri Xasan Barre ayaa sheegay in roobka xilliga Deyrta uu ka curtay Ballanbal iyo tuulooyinka hoos-yimaada, isagoo sheegay in dadka deegaanka ay ku diirsadeen robka.

Hareeri ayaa sheegay in deegaanka ay horey uga jirtay abaar saameysay dadka iyo duunyada.

Hase yeeshee, wuxuu sheegay in roobku uu saameyn ku yeeshay dadka baracakay ee ku nool deegaanka, kuwaas oo dhibaato kala kulma roobka iyo qabowga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com