Top News: Gen. Cabdi Qaybdiid “Waxaan Doonaynaa In Dowladdu goob-joog Ka Noqoto Dhismaha Maamulka Gobollada Dhexe”.

0

Dhuusamareeb, AGGM: Madaxweynaha maamul-goboleedka Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa ka codsaday madaxda sare ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay goob-joog ka noqdaan shirka maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Qaybdiid ayaa hadalkan ka jeediyey xaflad lagu soo dhaweynayey isaga iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkiisa oo maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamarreeeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale wuxuu ka codsaday beesha caalamka in ay gacan buuxda siiso shirka ay maamulka ku dhisanayaan bulshooyinka iyo maamullada ka jira gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo maalmahan booqanayey degmooyinka Dhuusamarreeb iyo Cadaado ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta maamulka Galmudug.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com