Sawirro: Dowladda Sacuudiga Oo Shaacisay In Xajkii Sanadkan Guul Ugu Soo Dhamaday Muslimiinta.

0

Makkah, AGGM: Dowladda Sucuudiga yaa sheegtay in si guul ah ugu soo dhamaaday Xujeydii timid Makkah sanadkaan, iyadoo in ka badan labo milyan oo qof ka soo daafaha caalamka sanadkaan.

Dowlada Sucuudiga ayaa xil weyn iska saartay sidii loo yareyn lahaa khasaarooyinka ka dhasha ciriiriga xad dhaafka ah ee ka jira Dawaafka Kacbada iyo Dhagax tuurka, waxaana dowaldu diyaarisay ciidamo aad u faro badan oo habeen iyo maalin u taagnaa in ay hagaan Xujeyda, Sanadkaan waxaa qayb weyn ka qaatay yaraynta ciriiriga iyo safaradan loo kala aadayey Carafa, Mina iyo Xaramka, Train dadka u kala daad guraynayey goobahaas.

Soomaalida waxaa sanadkaan ka soo xajiyey in ka badan 7,000 oo Xujey ah oo ka kala yimid dhamaan 18 gobol ee Soomaaliya, waxaan ay sheegeen howl wadeenada xujeydu in ilaa sadex Xujey oo Soomaali ah ay siyaabo kala gadisan ugu dhinteen Makkah ilaa iyo intii Xajku biloowday,waxaa sidoo kale jira dad ay dhaawacyo iyo jabniin ka soo gaareen is buurashadii iyo cariirigii ka jiray Dhagax tuurka,Dawaafka Kabcada iyo jidka dheer ee u dhaxeeya Carafo iyo Mina.

Xajku waa cibaado u baahan in qofku uu leeyahay awood uu ku socdo masaafo dheer, ugana hortago ciriiriga goobaha qaar, waxaana waayeel badan kala kulmaan dhibaatooyin xiliga Xajka. Waxaa sidoo kale sanadkaan cabsi laga qabay in cuduro ka dilaacaan Mina iyo Musdalifa oo la dagaanaado mudo shan maalmood ah, balse nasiib wanaag wax Hargab ka weyn oo dadka ku dhacay ma jirin intii ay ku guda jireen saxadii xumayd ee ka jirtay Teenooyinka Mina iyo Musdalifa oo in ka badan 150 Xujey ah wada daganaadaan hal teendho.

Shalay ayaa si raaxo leh muslimiintu ku soo dhamaysteen xajkooda, waxaana durbaba laga dareemayaa magaalada Makkah safaro loo kala galayo dalalkii ay dadku ka soo xajiyeen iyo Madiina oo dadka qaar ay ku tagayaan booqasho.

1 3 4 4_1 5 5_1 18 20 21 22 desktop 309 2 16 8 19 desktop 232 desktop 19 10 7 17 6 9

Xaaji Diraac Salaad Fagaase
Makkah Sacuudi Carabia
Diraacsal3@hotmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com