Dhageyso: Ammaanka Magaalada Cadaado Oo Si Aad Ah Loo Keeyay. Maxay Tahay Sababta?

0

Cadaado, AGGM: Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in aad loo adkeeyay amniga degmada Cadaado oo dhowaan uu ka furmayo shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka.

Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Careys Maxamed Xaaji oo wareysi siiyay Warbaahinta gudaha dalka ayaa xusay in heegan buuxa la galiyay ciidamada amnige ee maamulka si ay uga hor tagaan falal amni darro in laga fuliyo gudaha magaalada oo dhowaan qaabili doonta wufuud caalami ah.

Waxa uu tilmaamay in ciidamada ay tageen dowr deegaan oo ku dhow dhow degmada Cadaado ee xarunta maamulkaasi isaga oo xusay in aysan weli degmada soo gaarin ergooyinkii uu quseeyay shirka sida maamulka Ahlusunna ee gobollada dhexe.

Maamulka Ahlusunna waljamaaca ee gobollada dhexe ayaa dhowaan isku qilaafay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen shirka maamulka loogu dhisayo Mudug iyo Galgaduud.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com