Dhageyso: Afhayeenka Shirka Midnimo One Maxamed Aden Cali (Gacmeey) Ayaa Ka Warbixiyay Halka Uu Marayo Shirka…

0

Garbahaarey, AGGM: Ergooyin hor leh oo ka socda deegaano ka mid ah gobolka Gedo ayaa ku biiray shirka ka soconaya degmada Garbahaarey ee gobolkaasi.

Afhayeenka ciusub ee Shirka Midnimo 1 Maxamed Aadan Cali (Gacmeey) oo Horayna uga mid ahaa xubnaha guddiga farsamada ee shirka ka soconaya maalinkii 4aad degmada Garbahaarey ayaa sheegay in ay jiraan ergooyin hor leh oo dhowaan soo gaaray magaalada kuwaasi oo uu tilmaamay in ay matalayaan shacabka ku nool deegaano hoos yimaada gobolka Gedo.

Waxa uu xusay in uu shirkan ku yimaaday rabitaanka shacabkii dhaliilsanaa shirkii lagu soo gaba gabeeyay magaalada Kismaayo kaasi oo uu daah furay madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana uu ku baaqay in dadku ay ka faa’iideystaan muhiimada shirkan oo laga gudbo colaadihii horay u dhex maray isla markaasina loo wada jeesto wadiiqadii nabadda.

Dhinaca kale afhayeenki hore ee shirka Midnimo 1 Dr.Cabdi Shire Jaamac (Cayaarjecel) ayaa waxa uu u kicitimay safar shaqo oo deg deg ah sidaa ayaana waxaa afhayeenka cusub ee shirka MIDNIMO ONE loogu magacaabay Maxamed Aden Cali (Gacmeey).

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com