Dhageyso: Dowladda Mareykanka oo soo dhaweysay Qabsashada Degmada Baraawe.

0

Muqdisho, AGGM:Wakiilka dowladda mareykaka ee Somalia James P. McAnulty ayaa hambalyo u diray Dowladda Federaalka ee Somalia iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM)sida ay guusha ugu gaareen ayuu yiri howgalladdii ugu danbeyeen oo ay sameyeen kaasoo loogu magic “Indian Ocean Operation.”

Xoreynta Cadale oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe oo dhacday bisha October 3 iyo Baraawe oo katirsan gobolka Shabeellada Hoose oo iyana dowlada ay la wareegtay bisha October 6 ayaa ah guulaha lagu amani karo dolwada somaliya .

Mareykanka waxaa uu balanqaadayaa in uusii wadi doono taageerida uu siinayo dowladda Somaliya.

Dhanka kale warkooban oo kasoo baxay Midowga yurub ayaa lagu sheegay in dowlada iyo midowga Africa ay iska kaashanayaan howlgalka lagu ciribtirayo Al Shabaab ee ka socdo qeybo katirsan Gobollada Dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com