DEG DEG:- Shabaab baxsad ah oo iska dhiibay Gobolka Baay

0

Xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa la sheegay inay iska dhiibeen Gobolka Baay xilli Gobolada dalka Soomaaliya uu ka socdo guluf colaadeed oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Ilaa 5-ruux oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa iska dhiibay deegaanka Goofgaduud ee Gobolka Baay, sida ay sheegeen maamulka Magaaladaasi, ragaasi ayaa waxa ay yihiin dhalinyaro kasoo baxsatay Ururka Shabaab.

Guddoomiyaha deegaanka Goofgaduud Axmed Maxamed Aadan oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa tilmaamay in ragaasi ay soo dhaweeyeen, islamarkaana ay ku wareejiyinayaan Hay’adaha ammaanka Dowladda ee ku shaqada leh.

Waxa uu sheegay inay sidoo kale jiraan rag kale oo Shabaab ka tirsan oo la soo xiriiray kuwaasi oo doonaya inay isku soo dhiibaan maamulka deegaanka Goofgaduud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Axmed Maxamed Aadan Guddoomiyaha deegaanka Goofgaduud wuxuu sidoo kale ku waramayaa in Shabaab hada ay yihiin kuwa firxad ah oo kala yaacaya, maadaama awood ahaan laga adkaaday.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom ee Gobolada dalka Soomaaliya ku sugan, ayaa dagaal adag kula jira xoogaga Shabaab, xilli uu hada sii xoogeystay howlgalka Badweynta Hindiya ee Dowladda ay kuguda jirto.

Dadka Arimaha Milateriga Odorosa ayaa ku tilmaamay awooda sii liiceysa ee Shabaab inay timid, kadib geeridii Hogaamiyihii Shabaab ee Bishii lasoo dhaafay biloowgeedii la dilay.