Uganda oo amaan loogu huwiyay howlgalka Soomaaliya

0

Safiirka cusub ee dowlada Germany dalka Uganda, Dr. Peter Bomeyer ayaa ku amaanay dowlada Uganda dadaalada nabadeed oo ciidamadeeda ka wadaan dalka Soomaaliya iyo dalal kale oo ku yaala qaarada Africa.

Safiirka oo ka hadlayay deegaanka Kololo ayaa ku amaanay dowlada Uganda dadaalada nabadeed ee ay ka wadaan dalalka Soomaaliya iyo koofurta Sudan, isagoo sheegay in taasi ay ka caawineyso dalalkaasi horumar dhanka nabad galyada ah.

Wuxuu sheegay in Uganda ay qeyb weyn ka qaadaneyso nabad galyada gobolka, ayna ku amaanantay dadaalada ay ka sameynayaan dalalka Soomaaliya iyo koofurta Sudan.

Safiirka Germany ee Uganda ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Uganda ay doorweyn ka ciyaareyso dagaalada urur goboleedka IGAD ee nabadeynta dalka koofurta Sudan iyo dalal kale.

Ugu dambeyn safiirka ayaa sheegay in dhankooda dowlada Uganda ay ku taageeri doonaan howlgalada ay ka wadaan dalalka Soomaaliya iyo koofur Sudan.

Henry Oryem Okello, oo matalayay wasiirka arimaha dibada Uganda ayaa dhankiisa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada nabad ee dalalka Africa, iyagoo taageero ka helaya dalalka caalamka.

Wuxuu sheegay in dhibaatada ka taagan dalalka Syria, Libya, South Sudan iyo Central African Republic ay tahay mid ka hor imaaneyso caalamada nabada ee caalamka, sida uu hadalka u dhigay.