Faah-faahin:- Dagaalkii Baraawe iyo warar kusoo kordhay

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saaka ka bilowday duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka deegaanka oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in saaka waaberigii maqleen dhawaqa rasaas xoogan oo ay isweydaarsanayaan dhinacyada dagaalamaya.

Maamulka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in waxa goobta ka dhacaya uusan dagaal aheyn, laakiin ay qarxinayaan waxyaabaa qarxa sida uu hadalka u dhigay.

Alshabaab ayaa weerarka xoogiisa ka sameeyay dhanka xeebta, maadaama shalay gacantooda degmada ay ka baxday.