Dhageyso:- Abaanduulaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi Oo Meel Fagaare Ah Kula Hadlay Shacabka Magaalada Baraawe

0

Baraawe, AGGM:Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka iyo saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa meel fagaare ah kula hadlay maanta barqadii dadweynaha ku dhaqan magaalada Baraawe, halkaasoo saakay uu dagaal kooban ka dhacay.

Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa u sheegay boqolaalkii shacab ee uu kula hadlay Baraawe in ay u yimaadeen ciidanka sidii ay shacabka uga dulqaadi lahaayeen cadaw muddo heystay sida uu yiri.

Ugu horeyn Abaanduulaha ayaa sheegay in shacabka Baraawe uu salaan uga sido madaxda dalka, oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaa salaan idin kaga sidaa madaxda qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriya Xasan Sheekh Maxamuud”ayuu yiri Abaanduulaha Ciidanka xooga dalka Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi

Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka ayaa ugu baaqay shacabka Baraawe inay ciidamada kala shaqeeyaan sugida ammaanka, isla markaana ciidamadana aysan wax dhibaato ah u geysan doonin sida uu yiri.

“Waxaan idinkuugu nimid inaan culeyska faraha badan ee mudada sanadka ay idinka hayeen cadawgaas, maantana aad noqotaan dad xor ah, cabsidii idinka baxdo”ayuu yiri Jen. C/risaaq oo intaa ku daray inay ku guuleysteen in rajadoodii aheyd in Baraawe gacanta ku dhigaan.

Sidoo kale Abaanduulaha ayaa ugu baaqay waalidiinta degmada Baraawe in caruurta ay dhaleen oo ka tirsan Al-Shabaab inay kala soo baxaan, ayna diyaar u yihiin inay dhaqan celin u sameeyaan, wax dhibaato ahna loo geysan doonin sida uu yiri.

“Waxaa idin balan qaadayaa caruurtiina ka midka ah Al-Shabaab in aan wax dhibaato ah loo geysan doonin, hadii aad u soo dhiibtaan dowladda, waxaa loo sameynayaa dhaqan celin”ayuu yiri Jen. C/risaaq.

Dhinaca kale Abaanduulaha ayaa sheegay in askarigii lagu arko inuu dhibaato u geysto shacabka, la soo taagi doono maxkamada ciidamada, isla markaana ciqaab adag la marsiin doono sida uu yiri

Ugu dambeyn Abaanduulaha ayaa tinta xiirtay oo aanu muddo bilooyin ah aanu u jarin in Al-Shabaab laga saarayo Baraawe, waxaana uu cadeeyay inuu ku faraxsan yahay inuu dadka hortooda ku xiirto tinta, iyadoo uu u xiiray Taliyaha Ciidamada AMISOM.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com