DEG DEG:-Dagaal ka socda degmada Baraawe

0

Wararka aan iminka ka helayno degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka socdo duleedka degmada Baraawe.

Dagaalka ayaa ka dhacaya meel banaanka ka ah degmada Baraawe oo maalintii shalay ay la wareegeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa midowga africa ee AMISOM.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay markii alshabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowlada Soomaaliya ku lahaayeen duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.