TOP NEWS :- Ra’iisul wasaare Cabdi Weli oo diiday inuu soo xiro Shirka Magaalada Kismaayo

0

Warar Hoose oo aanu ka helay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in C/Weli Sheekh uu ka baaqday soo Xiritaanka shirka Magaalada Kismaayo uga socda Ergada taageersan Garabka Axmed Madoobe.

Ra’iisul wasaaraha ayaa go’aankaan qaatay isagoo eegaya in Shirka Magaalada Kismaayo uu u socday Hal garab oo ay ka maqanyihiin dhinacyadii kale, Furitaankiisiina uu ku degdegaya Madaxweynaha.

Warar hore ayaa sheegay in Shirka uu Furay Madaxweynaha isagoo ku Xumeynaya Ra’iisul wasaaraha oo xiligaasi uu khilaaf kala dhexeeyay si uu dhinaca Axmed Madoobe uga maro Korneylka Mintidka ah ee Barre Hiiraale oo ay isku heyb yihiin Ra’iisul wasaaraha.

Madaxweynaha ayaa Furitaanka Shirkaan ku tilmaamay in dadka dega deegaanada jubbooyinka uu u dhexeeyo, Balse Barre Hiiraale oo kamid ah Garabyadii ku dagaalamay magaalada Kismaayo oo la hishiisiin lahaa ayaa  Shirkaasi qaacaday, taasi oo ka dhigeysa in Garab kamid ah kooxihii ku loolamayay Gacan ku heynta magaalada Kismaayo uu Shirk aka maqanyahay.

Dadka Indha indheeya siyaasadda ayaa sheegaya in Shirka Kismaayo Lagu madadaalinayo Mujtamaca balse uusan ka dhigneyn Shir dib u hishiisiineed oo u dhexeeya beelo walaalo ah oo halkaasi wada daga Bacdamaa Garab Muhiim ah uu ka maqanyahay.

Wararku wexey sheegayaan in Baaqashada Ra’iisul wasaaraha ay ka dambeyso kulamo uu la qaatay UN-ka kadibna uu Go’aankaasi gaaray, iyadoo maanta laga sugayay in Shirkaasi uu soo xiro.

Maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Kismaayo uu gaaro Ergayga Qaramada Midoonbey ugu qaabilsan Soomaaliya Niclos Kay iyo Masuliyiin kale oo ka socota beesha Calamka, Lamana oga ujeedada ay u tagayaan halkaasi.