Fu’aad Shoongale oo qirtay arin aan laga fileyn, xilli..

0

Madaxa dacwada ururka Alshabaab Sheikh Fu’aad Shoongale ayaa qirtay in culeysyo badan ay soo wajaheen ururka Alshabaab kadib howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada dowlada ay sameeyeen.

Isagoo ka hadlayay Idaacada Afka Alshabaab ka hor inta aan laga qabsan degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayuu sheegay in alshabaab jab uusoo gaaray.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Alshabaab ay dhibaatooyin kale kulmeen howlgalada ay sameynayeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Wuxuu sheegay in fariisimo dhowr ah ay waayeen gacan ku heynta gobolada dalka Soomaaliya.

Alshabaab ayaa waayay gacan heynta degmadii ugu muhiimsaneyd ee Baraawe oo muddo shan sano ah ay maamulayeen.