DEG DEG:- Ciidamada dowlada oo qabsaday Baraawe

0

Wararka iminka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya  in ciidamada dowlada Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Baraawe  ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada dowlada ayaa  la sheegay in goordhow ay gudaha u galeen degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaa jiray dagaal ka dhacay duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, oo Alshabaab ay isku dayayeen inay difaacdaan degmada Baraawe ee gobolkaasi Shabeelaha Hoose.

Ciidamada AMISOM ayaa qeyb weyn ka qaatay dagaalka iyo la wareegitaanka degmada Baraawe ee gobolka SHabeelaha Hoose.

Alshabaab ayaa la sheegay inay isaga carareen degmada Baraawe kadib markii ay difaacan waayeen degmadaasi.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.