Top News: Malaayiin Xujeey Ah Oo Taagan Banka Carafo.

0

Makkah, AGGM:Malaayiin Xujaay ah ayaa maanta taagan Buurta Carafa si ay u gutaan rugni ka mid ah waajibaadka Xajka, iyada oo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminaya madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ay ka qeyb gelayaan gudashada waajibaadka Xajka ee sandkan.

Saciid Maxamed Caddow oo ah agaasimaha xafiiska gudodonka iyo guddiyada Baarlamaanka, kana mid ah xujaayda sanadkan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in xujeydu ay maalintii sagaalaad taaganyihiin buurta Carafo.

Soomaali farabadan oo kor u dhaafeysa Afar iyo Toban Kun ayaa sanadkan xajineysa kuwaasoo ka kala tegay dalka iyo wadamo kale, waxaana xujeyda sanadkan ka mid ah madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Xaaji Xasan Sheekh Maxamuud.

Xujeyda ayaa maanta taagan Carafo, kadibna waxey billaabi doonaan Jamaraadka ama dhagax tuurka iyo inta ka dhiman acmaasha Xajka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com