Dhageyso: Gudiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Gedo Oo Ka Deyriyay Xaalada Abaareed Ee Gobolkaas..

0

Garbaharey, AGGM:Iyadoo abaaro daran ay ka jiraan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ayaa gudiga gurmadka abaaraha gobolkaasi waxay ka warbixiyeen inta ay gaarsiisan tahay baaxada abaarta ka jirta deegaanada gobolka Gedo.

Gudoomiyaha gudiga gurmadka abaaraha gobolka Gedo oo la hadlay xafiiska warbaahinta Risaala  Garbahaareey ayaa sheegay in saameynta abaartu ay tahay mid balaaran,islamarkaana dadka iyo duunyada ay u dhamaanayaan haraad iyo gaajo sal u ah abaarta ka jirta Koonfurta iyo bartamaha Soomaaiya.

Wuxuu sheegay gudoomiyaha inay soo gaarayaan maalinba maalinta ka danbeysa dhibaatooyinka ay bulshada ku reebayaan abaarta,isagoona tilmaamay in abaarto sababtay in cuduro ay ka dilaacaan deegaanada qaar kuwaasi oo inta badan saameyn ku yeeshay carruurta yar yar iyo dadka da’da ah oo difaaca jirkooda aan awood badan lahayn.
Ugu danbeyntii,gudoomiyaha gurmadka abaaraha gobolka Gedo ayaa ugu baaqay Dowlada dhexe iyo hay’adaha gargaarka inay sida ugu dhaqsiyaha u soo gurmadaan dadka la daala dhacaya abaarta,islamarkaana gacan ka geystaan sidii dadkaasi loo samata bixin lagaa.

Abaarta ka jirta dalka ayaa saameyn ku yeeshay guud ahaan dadka iyo duunyada,waxaana dadka qaarkii bilaabeen inay barakacaan iyagoo nolol raadinaya.

abaaraha gedo

Source: Risaala

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com