Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare oo la kulmay Madaxda Jaamacadaha G/Banaadir

0

Wasiirka Wasaarada hidaha iyo tacliinta sare ee Xukuumada Soomaaliya Ducaale Aadan Maxamed ayaa maanta kulan magaalada Muqdisho kula qaatay Madaxda Jaamacadaha Gobolka Benaadir, kaasi oo looga hadlayay sidii loo kobcin lahaa tacliinta sare ee dalka, waxaana kulanka goob joog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Hidaha iyoTacliinta sare.

Wasiirka iyo mas’uuliyinta kale ee Wasaaradda ayaa waxa ay warbixino iyo talooyin ka dhageysteen qaar ka mid ah Madaxda Jaamacadaha oo ku saabsan sare u qaadidda tacliinta sare ee dalka, waxayna balan qaadeen inay arrimahasi xoogga saari doonaan.

Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare ee dalka mudane Ducaale Aadan Maxamed oo kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in u jeedka kulanka uu ahaa sidii loo kala warqaadan lahaa, isla markaaana ay Wasaaraddu u dhameystiri lahayd sharciga siyaasadda tacliinta sare ee dalka oo uu xusay in uu meel gabo gabo ah marayo.

Wasaaradda Hida iyo Tacliinta sare ee dalka ayaa dadaal ug jiro sidii sare loogu qaadi lahaa tacliinta sar ee dalka.