Top News:Dowladda Denmark Oo Ku Dhawaaqday In Ay Marti Galinayso Shir Lagu Taageerayo Soo Celinta Ammniga Iyo Nabadda Soomaaliya.

0

Copenhagen, AGGM: Dowladda Denmark ayaa ku dhawaaqday in ay marti galin doonto bisha November kulan heer caalami ah oo ku saabsan taageerida dib u soo celinta nabadda iyo amniga Soomaaliya.

War qoraal ah oo ay wasaaradda arrimaha dibedda Denmark soo saartay ayaa lagu sheegay in kulankaan oo dhacay 19 iyo 20ka November, ayna wada guddoomin doonana dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, aya ka qayb gali doonaan ilaa 60 qof oo mas’uuliyiin sarsare ah iyo in ka badan 3 boqol oo qof oo ka qayb qaadanaya shirka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Denmark Martin Lidegaard, ayaa sheegay in kulanka uu horseed u noqon doono sidii Soomaaliya looga dhigi lahaa meel ka madax bannaan dagaalada sokeeye, ayna ku noqon laheyd mid nabdoon.

Wasiirka ganacsiga iyo horumarinta iskaashiga caalamiga ah ee Denmark, Mogens Jensen, ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso caqabado badan oo siyaasadeed, bini’aadanimo, In ka badan 20 sano ay Soomaaliya ka jireen dagaalo sokeeye, abaaro, cuduro faafo, qulqul qaxooti burcad badeed iyo aragagixiso .

Mogens, ayaa sheegay in ayadoo Soomaaliya ay horey u socoto ay dowladda Denmark ka caawineyso Soomaaliya iyo beesha caalamkaba sidii loo abuuri lahaa qorshe wax ku ool u ah dadka Soomaaliyeed sida dhismaha xarumo caafimaad, dugsiyo waxbarasho iyo dhismaha wadooyinka.

Dowladda Denmark, ayaa ku yaboohday lacag dhan 2 boqol oo milyan oo lacagta dalkaas ah si loogu taageero dadaalada horumarinta iyo xassilinta Soomaaliya oo ay ku jiraan horumarinta caddaaladda, dhiirigalinta kubaca dhaqaale iyo shaqo abuurka, la dagaalanka burcad badeedda iyo soo celinta amniga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com