Nin 23 Jir Soomaali Ah Oo Maxkamad Ku Taal Dalka Mareyknka Ku Xukuntay 30 Sano Oo Xarig Ah.

0

Portland , AGGM: Nin Soomaali ah ayaa maxkamad ku taalla dalka Mareykanka waxay ku xukuntay xabsi 30 sano ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu qarxiyo goob ku taalla magaalada Portland ee gobolka Oregon oo ay isugu soo baxeen dad gaarayay 10 kun oo qof oo u dabbaal-degayay ciidda Kirismaska.

Xeer-ilaalayeyaasha ayaa doonayay in ninka oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud oo ah 23 jir lagu xukumo 40 sano oo xarig ah, laakiin garsooraha maxkamada degmada oo lagu magacaabo Garr King ayaa sheegay in laga yaabo Maxamed inay dhallinyaranimo ku kalliftay falka uu ku kacay, sidaas daraadeedna ay maxkamaddu go’aansatay xukunka 30-ka sano ah.

Maxamed waxaa la xiray bishii November ee sanadkii 2010, markaas oo ay dabin u dhigtay FBI-da Mareykanka, iyadoo iska dhigeysa koox la shaqeysa argagixisada.

Hooyadiis iyo aabbihiis oo maxkamadda ka hadlay xukunka ka hor ayaa qaadiga ka codsaday inuu wiilkooda ka khafiifiyo ciqaabta xabsiga ah, hase yeeshee garsooraha ayaa ku adkaystay inuu Maxamed mutaystay ciqaabta, isla markaana uu tasaale u noqon doono cid kasta oo laga yaabo inay isku daydo falalkaas oo kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com